Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo 4 Qof ku toogtay gobolka J/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay illaa 4 nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo ku toogtay deegaanka Kamsuuma ee G/ Jubbada Hoose.

Fagaaraha lagu toogtay raggaasi ayaa waxaa goob joog ahaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno ka tirsan Al Shabaab.

Afarta nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray:

1-Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 sano jir ahaa ayaa la sheegay in uu la shaqeynayay sirdoonka Soomaaliya, una xil saarnaa gudbinta lambarada saraakiisha Al Shabaab, si loo duqeeyo, isaga oo qaadan jiray lacag 50 Dollar ah.

2-Cilmi Warsame Cumar oo 22 sano jir ahaa waxa ay Al Shabaab sheegeen in uu la shaqeyn jiray hay’adda lagu magacaabo PSU oo laga leeyahay UK, islamarkaana uu u qaabilsanaa in uu sawirro ka soo qaado deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in ninkani loo xilsaaray in uu diyaarado ku hago saldhigyadooda, isaga oo qadan jiray lacag dhan 270 oo Dollar.

3-Cumar Cabdullahi Cabdi oo 28 sano jir ahaa ayey Al Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan, gaar ahaan Jalalaqsi iyo Baladweyne, shaqadiisuna la sheegay in ay aheyd in uu diyaarado ku hago xubnaha Al Shabaab, isaga oo qaatay lacag dhan 477 Dollar.

4-Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sano jir ah aya isna lagu eedeeyay la shaqeynta sirdoonka Soomaaliya ee PS-ta, islamarkaana basaasayay saraakiisha Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhawaan ayey aheyd markii Al Shabaab sidan oo kale shan qof oo lagu eedeeyay basaasnimo ay ku toogteen gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this