Deeq A. Posted March 31, 2019 Tokyo (SMN) – Dowladda Japan ayaa shaaca ka qaaday in ay wax badan ka qabatay Waxbarashada caruurta ay waxyeelada ka soo gaartay abaarihii iyo fatahaadihii ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan waaxda gargaarka dibadda ee Japan ayaa sheegay in Lacag badan ay ku bixiyeen Waxbarashada caruur lagu qiyaasay 8,500 oo ay saameeyeen musiibooyiinkaasi, kuwaas oo aaday Dugsiyada Waxbarasho. Sidoo kale sarkaalka ayaa intaasi in ay wax ka qabteen helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka, iyagoo kaashanaya sanduuqa badbaada caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF. Japan ayaa xustay mashaariicda ay ku fuliyeen Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay in ay ka faa’iideysteen kumanaan caruur oo badankood ku nool koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ka mid meelaha ay ka dhaceen musiibooyinka bani’aadanimo. Safiirka Japan ee Soomaaliya ayaa xusay in labadii sanno ee la soo dhaafay ay Soomaaliya ku bixiyeen 3 milyan dollar oo wax loogu qabtay badbaadada caruurta ay waxyeelada ka soo gaartay abaarihii ku dhuftay dalka. Ugu dambeyn Japan ayaa sheegtay in sii wadi doonto taageerada dhinaca gargaarka ee ay siiso Soomaaliya oo ka mid ah dallalka ay la dageen colaaha iyo musiibooyinka kale. View the full article Share this post Link to post Share on other sites