Deeq A. Posted March 31, 2019 Jowhar (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay xaaladaha amni ee deegaanada maamulkaasi ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in laga taageero sugida nabad galyada gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe. Maxamed Cabdi Waare ayaa tibaaxay in ay isku xiran yihiin amniga Shabeelooyinka iyo Banaadir, sidaa daraateedna loo baahan yahay in loo istaago hab mideysan oo la’isaga kaashan karo sugida amniga guud ee gobolladaasi. Sidoo kale waxa intaasi ku daray in marar badan DFS uu kala hadlay qorshe la xariira sida wax looga qaban karo ammaanka, islamarkaana uu rajo ka qabo in la fuliyo. Hadalka ka soo yeeray madaxweynaha HirShabelle ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe falal ammaan dari ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedyada dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites