Deeq A. Posted March 31, 2019 (SLT-Yemen)-Ugu yaraan 2 qof ayaa geeriyootay, 5 kalena wey dhaawacmeen, kadib markii ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga duqeyn ka geysteen Gobalka Xajah ee W/galbeed ee dalkaasi. Sarkaal ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Dhahar Bani Xsaan ee Degmadda Abis, isla markaana lagu dilay 2 nin, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku jireen carruur iyo haween. Dadka ay waxyeelladdu soo gaartay ayaa la sheegay inay isku qoys ahaayeen. Isbahaysiga Sacuudiga weli kama ayna hadlin duqeyntaasi oo ah tii 2-aad ee toddobaadkan gudihiisa lagu dilay dad rayid ah. Dagaalladda ka socda dalka Yemen waxay galeen sannadkoodii 5-aad, iyadoo lagu ilay tobanaan kun oo qof, halka 3 million oo kalena ku barakaceen. Source Share this post Link to post Share on other sites