Sign in to follow this  
Deeq A.

“Farmaajo Khalad Ayay Ku Ahayd In Uu Somaliland Maamul Ku Sheego…” Wasiir Faratoon Oo U Jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay inuu ka digtoonadu kana fiirsado hadalada ka dhanka ah Somaliland, ee ka soo yeedhaya.

1-76.jpg

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya ayaa yidhi “Farmaajo khalad bay ku ahayd inuu dawladnimada Somaliland maamul ku sheego, Somaliland waa qaran leh, Madaxweyne la doortay, oo waliba Shacabka reer Somaliland si xor iyo xalaal ah u doorteen, waxaana dalkan ka Madaxweyne ah Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, halka Farmaajo cid gaar ahi doortay, ee hore waxaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ee Farmaajo intii Somaliland ku soo meeraysanayo waa inuu wax ka qabtaa halka uu maamulo, Somaliland dhabihii horumarka, guusha iyo ictiraafka ayey haysaa, ee midnimo dambe oo Somaliya la midawdo sinaba suurtagal ku noqon mayso, ee Farmaajo waa inuu ka fiirsada hadalada ka soo yeedhaya”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this