Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxaan Ogaaday Sheekh Cabdiraxmaan Dheere Inuu Yahay Ninkii Qandaraaska Aan Loo Tartamin Sida Gaarka Ah Loogu Siiyay Kutubtii La Soo Daabacay Ee Magaca Madaxwaynaha Ku Soo Baxay”.

Recommended Posts

Deeq A.   

maxresdefault-3-696x385.jpg

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa fashiliyay Waxna kasoo ogaaday nin lagu sheegay inuu yahay Sheekh ay Ehel dhaw yihiin Madaxweyne Muuse oo Jimcihii Dhawaa goob masaajid ah ka jeediyay Khudbad halis ku ah badqabka iyo Amniga Garyaqaan Guuleed Dafac.

 

Guuleed Dafac ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga waxa uu kaga hadlay baadhis uu sameeyay oo uu ku soo ogaaday danaha Dhaqaale ee uu Sheekhaasi ku qabo Xukuumadda uu difaacayo iyo Qandaraas sifo sharci-daro ah Madaxtooyaddu u siisay Mashruuc Kutub Quraanka Kariimka ah oo lasoo daabcay bilawgii Xukuumaddan oo magaca Madaxweynaha lagu bixinayay, kaasi oo aan loo marin Sifihii Sharciga ahaa balse Qaab qabiil loo siiyay maadaama oo ay Madaxweynaha isku jufo hoose yihiin, waxaana muuqata inuu sheekhu itaalkiisa isleeyahay isagoo ilaashanaya Danihiisa dhaqaale, Xukuumadda ka difaac Goob madcab oo loogu talo galay In Alle SWT lagu Raaligaliyo.

Qoraalkan ayaa Guuleed waxa uu ku yidhi “Ninkii maanta(Jimcihii) qudbada jimce kicinta ka sameeyey waxaan ogaaday inuu yahay ninkii qandaraaska aan la shaacin loona tartamin sida gaarka ah loogu siiyay kutubtii la soo daabacay ee magaca madaxwaynaha ku soo baxay. Waa shaqsi ku dhow madaxtooyada. Wuxuuna u isticmaalay guriga Ilaahay ee barakaysan dano siyaasadeed iyo inuu ka shaqeeyo qaarajintayda (assassination). Waxaa su’aal ah markaas dawladda uu ka ag dhow yahay ma la qabtaa mise lama qabto? Xidhiidhkiisa iyo weerarkiisa markaad eegto waan tuhunsanahay dawladda, hadii aanay iyadu iska beri yeelin. Waxaanna u arka shirqool habaysan. Hadii berigi hore la is xidhi jiray, malaha hada tanaan bedeshay”. Ayuu ku soo koobay Qoraalkiisa.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this