Deeq A. Posted March 31, 2019 Qoryooley (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen bar koontarool oo kala qeybisa waddooyinka isku xira deegaanada Danow, Gaawirow iyo Kabtan Laas ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, maadaama uu dhacay xilli habeen ah, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac. Habeen ka hor ayey aheyd markii Al Shabaab ay weerareen isla fariistan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. View the full article Share this post Link to post Share on other sites