Deeq A. Posted March 31, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdullahi Xaamud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi heer wasiiro ah ay dowladdu u xil saartay Talooyin la xiriira dhinaca amniga oo laga soo uruuriyay Golaha Wasiirada. Mr Xaamuud ayaa hoosta ka xariiqay in guddigaan looga fadhiyo sidii qorshe cad ay uga diyaarin lahaayeen Talooyinkaas oo ku aadan in lagu dhaqaaqo , waxna looga qabto ammaanka dalka. Tallaabadan ayaa timid kadib markii weeraro iyo falal amniga liddi ku ah ay siyaabo kala duwan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka. DFS ayaana dadaal waxa ay ugu jirtaa in Isbedel dhinaca amniga ah laga hirgaliyo guud ahaan dalka, gaar ahaan M/Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites