Deeq A. Posted March 31, 2019 Afgooye (SMN) – Taliyaha guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Axmed Cabdi Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa Al Shabaab in ay isaga soo baxaan. Taliyaha ayaa sheegay in ay soo dhaweyn doonaan xubnaha isa soo dhiiba ee ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo weli ku xoogan Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshahan uu qeyb ka yahay cafiskii uu madaxweynaha JFS u fidiyay dagaalyahannada si iskood ah uga soo baxa Al Shabaab. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-1-ismaaciil-turki.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites