Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin badan oo laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-Khoms (SMN) – Ciidamada ilaalada xeebaha Liibya ayaa sheegay in xeebaha dalkaasi ay ka soo badbaadiyeen illaa 117 ruux oo ay ku jiraan Muhaajiriin Soomaali ah.

Sidoo kale Ciidanka xeebaha Liibya ayaa tilmaamay in Mmuhaajiriintan xilliga la soo badbaadinayay ay la socdeen Dooni kula qalibmatay badda magaalada Al-Khoms oo 120 KM u jirta Caasimadda Tripoli.

Saraakiil ka tirsan dowladda Liibya ayaa sheegay in ay bad qabaan dhammaan Muhaajiriinta ay soo badbaadiyeen,balse ay u baahan yihiin kaalmo bani’aadanimo..

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Muhaajiriintani ay ka soo kala jeedaan dalalka Soomaaliya,Sudan,Itoobiya iyo Eritrea.

Tan iyo markii ay dhacday dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Kornel Mucarmar Al-Qadaafi  waxaa dalka Liibiya gaaray kumanaan Muhaajiriin ah, kuwaas oo qaarkood safaro halis ku mara badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this