Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo laga sameeyay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Ciidamada ammaanka Afgooye ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka sameeyay gudaha degmadaasi.

Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii xalay Afgooye lagu dilay mid ka mid ah ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Diini Barre Cabdi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah ka fuliya magaalada Afgooye oo 30 KM dhanka koonfur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this