Deeq A. Posted March 31, 2019 Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa goor dhoweyd ansixiyay miisaaniyadda sagaalka bilood ee sannadkaan ka harsan ay ku shaqeyn doonto xukuumadda Puntland. Kulanka 24aad ee Kalfadhiga 43aad oo saaka ay soo xaadireen 40 mudane ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda oo dhan $$54,000,450 (konton iyo afar malyan, afar boqol iyo konton dollar) taasoo uu todobaadkii hore soo gudbiyay wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Cabdi. 38 mudane ayaa u codeeyay miisaaniyadda hal xildhibaan ayaa diiday mid kalena waa ka aamusay sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Warbixinta kala soco Puntland Post The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda dowladda appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites