Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo toogtay rag Sirdoon u ahaa dowladaha UK, Jabuuti & DF +Magacyadooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa markale afar ruux ku toogtay deegaan ka tirsan Degmada Kamsuume ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay jaajuusiin ahaayeen.

Al Shabaab ayaa dhamaan ragga ay toogteen waxay sheegeen inay qaadan jireen dhaqaale aan badneyn, iyaga oo gudbin jiray warbixinada iyo taleefanada Al Shabaab si loo bartilmaameydsado saraakiisha.

Al Shabaab ayaa sheegay in:-

1-Aweys ismaaciil Aadan oo 25 sana jir ahaa, uu la shaqeyn jiray sirdoonka dowladda Federaalka,  waxaana ay sheegeen inuu ka shaqeyn jiray inuu gudbiyo Taleefanada saraakiisha Al Shabaab, isaga oo mushaar ahaan u qaadan jiray 50 Doolar, sida Al Shabaab ay sheegeen.

2-Cilmi Warsame Cumar oo 22 sana jir ahaa ayaa lagu eedeeyay inuu ka shaqeyn jiray Hay’ad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo PSU, waxaana la sheegay inuu qaban jiray hagida diyaaradaha Duqeymaha geysanaya iyo inuu sawiro u qaado Hay’adaasi.

Mushaarka Cilmi ayaa la sheegay inuu ahaa 270 Dolar bil kastaa.

3-Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sana jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay in uu la  shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi iyo  Beledweyne.

Al Shabaab ayaa sheegay in shaqadiisa aheyd in uu duqeymaha diyaaradaha ku hagayay mas’uuliyiinta Al-shabaab ee jooga Gobolka Hiiraan, waxaana ay intaas ku dareen in uu qaatay lacag dhan $ 477 dollar.

4-Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka dowladda Soomaaliya, waxaana shaqadiisa ay ku sheegeen Al-shabaab in uu basaaso madaxda Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dhawaan Al Shabaab ayaa sidaan oo kale toogtay xubno ay ku jiraan Kenyan, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay jawaasiis ahaayeen, waxaana sirdoonka Kenya ay xaqiijiyeen seddex kamid ah Shan ruux oo Arbacadii Al Shabaab ay toogteen u dhasheen dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this