Deeq A. Posted March 31, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) ― Wafti ka socda jamhuuriyadda iskeed isku magacowday ee Somaliland ayaa sugan Israel, halkaas oo ay tageen jimcihii, sida uu shaaca ka qaaday weriyaha caanka ah ee reer Israel Edy Cohen. Edy Cohen, ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka ku qoray ayaa ku yiri “War deg deg ah: wafti ka yimid Somaliland ayaa ku sugan Israel”, isaga oo aan bixin wax faah-faahin oo intaas dheer. Sidoo kale, Somaliland ayaan ka hadlin waftigan ku sugan Israel, waxaana xiriir ay la sameysay Caasimada Online dhowr xafiis oo kala duwan, ay dhammaantood ka wada gaabsadeen arrintan. Si kastaba, Isku soo dhowaanshaha Israel iyo Somaliland ma ahan wax ugub ah. Shaqsiga ugu weyn ee maanta u ololeeya madax-banaanida Somaliland waa nin Yahuudi Mareykan ah oo lagu magacaabo Michael Rubin, oo ka mid ah kooxda dalka Maraykanka looga yaqaan Neocon iyo “Israel lobby” ee awooda ku dhexleh xisbiga Jamhuuriga. Michael Rubin, oo hadda ka tirsan machadla [American Enterprise Institute (AEI)], ayaa horey qoraal lagu daabacay warbaahinta The Hill uga hadlay warbixin uu ku weerarayo Dowlada Federaalka Soomaaliya isagoona ugu baaqayey dowlada Maraykanka inay xooga saarto taageerida Maamulka Somaliland. Qoraalkan oo uu ciwaan uga dhigay [U.S. Africa Policy Cannot Afford to Ignore Somaliland] ayuu ku dooday in ay khaldan tahay siyaasada Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee xoojisay xiriirka iyo taageerada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhisan magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay “Dowlad aan jirin” oo weli aaminsan “Midnimada Wadanka Soomaaliya”. “Writing in The Hill, I argued that the United States should not channel all aid to Somalia through Mogadishu. To do so encourages corruption which can undermine Somalia’s tenuous recovery and replicates the worst of the UN’s approach to Saddam Hussein’s Iraq. And, yesterday here at AEIdeas, I argued that the United States should not commit itself to a unified Somalia and should consider instead recognizing the de facto separation between Somalia and Somaliland.” Dooda qoraalkiisa ayaa ah in Dowlada Soomaaliya ku fashilantay la dagaalanka Al Shabaab / Al Qacida, balse maamulka Somaliland uu “wax walba ku guuleystay” lana dagaalamay Al Shabaab, isagoo ku baaqay in Maraykanka uu joojiyo taageerada aan dhamaadka lahayn ee Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in Maraykanka xafiisyo ka furto Hargeysa. Somaliland iyo Israel Somaliland ayaa horey sidan u maalgelisay siyaasiyiin ajnabi ah oo uga ololeeya dalalka reer Galbeedka mana aha markii u horeysay oo ay hogaamiyayaasha Somaliland raadinta aqoonsiga usii maraan kooxaha ama siyaasiyiinta taageera Israel ee awooda kuleh xisbiyada Maraykanka, hase yeshee siyaasada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya ayaa ah mid aan isbedalin. Maxamed Ibraahim CigaalWaxaa la xasuustaa Warqadii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal uu sanadkii 1995 uu si toos ah ugu diray Raysal wasaarihii Israel ee xiligaasi Yitzhak Rabin. Warqadaasi oo uu Cigaal kaga codsaday Israel taageero iyo Aqoonsi, isagoo ku dooday in Somaliland iyo Israel ay yihiin dad walaalo ah! Cigaal ayaa warqadii uu Israel u diray 1995 uga hadlay cabsida uu ka qabo Islaamka kusii fidaya Bariga Afrika iyo gobalka, waxaana kamid ahaa erayadiisii: “Establishing Strategic Partnership with the State of Israel Today, however, although the West had won the cold war and the threat of communism appears to be vanishing in many parts of the world, we, in the Horn of Africa, are being threatened by a more sinister and pernicious enemy in the form of encroaching Islamic influence.” My government firmly believes that owing to this region’s strategic geopolitical importance as a result of its propinquity to the oil routes and the narrow Bab El-Mandeb entrance, as well as its proximity to the Gulf, the Middle East and the access to the Indian Ocean.” Somaliland’s concern is reinforced by the growing influence of the Saudis and the pro-Islamic Yemen, particularly ever since it had crushed and defeated the South Yemeni’s courageous attempt to forsake or renounce its union with the north. Discovering that Eritrea is not interested [in] to act asan Arab satellite, both Sana’ and Riyadh, as well as Khartoum (not to mention how pariah states like Iran and Libya are meddling into the internal affairs of my country), are now directing their efforts to force Somaliland to forfeit or withdraw its independence with the intention of installing a pro-Islamic Somali state (under a federal Somalia). This will most definitely render the control of both the north and southern coasts of the Red Sea to pro-Islamic regimes, with the exception of Eritrea and the miniature state of Djibouti which has no significance leaving the whole region to become a bed-rock for Islamic influence. In order to surmount such an onerous task my government needs the support and assistance of the State of Israel, not only to defend our nascent state from the menace of pro-Islamist dark forces, but also in terms of relief, rehabilitation and reconstruction of this devastated country. Your Obedient Servant Mohamed Ibrahim Egal President Republic of Somaliland Halkan ka akhriso Warqadii Cigaal oo dhameystiran. Walow Israel aysan kasoo jawaabin warqadii Cigaal, hadana siyaasiyiinta Somaliland ayaan weli ka daalin baaqyada ay u dirayaan Israel oo ay ku sheegeen “…Walaalaha Somaliland…”, tusaale qoraalkan hoose oo dhamaadkii sanadkii tagay lagu daabacay jariirada Israel ee The Jerusalem Post. Isla Qoraagan kasoo jeeda Somaliland ayaa markale ku xusay qoraalkiisa Warqadii Cigaal hada kahor u diray Israel ee ku muujinayey xiriirka ka dhaxeeysa Israel iyo Somaliland. Macada in ay Somaliland ku guuleysan doonto jaceylka ay u muujineyso Israel ay dhasho Aqoonsi Caalami ah oo uu Maamulka Somaliland helo, balse waxaa hubaal ah in dadaalka Maamulka Hargeysa uusan yareyn. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites