Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in horey loo qaatay lacagtii DP World siin lahayd dowlada Biixi?

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka sheegay munaasibad lagu marti-qaaday oo ay soo qaban-qaabiyen Xarunta daraasadka Siyaasada ee CPA, inaysan jirin wax lacag ah oo Xukuumadii hore ee uu katirsanaa ay kasii qaadatay DP WORLD.

Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inuu cadeynayo inaysan jirin wax lacag ah oo qadimaada oo Xukuumadii Axmed Siilaanyo ka qaadatay shirkada maamusha dekeda Berbera ee DP WORLD, taasi oo ah kirooyinkii dekedaas.

“Xukuumadii Axmed Siilaanyo, waxaan cadeynayaa wax kirooyinkii dekedaa ah oo aan wakhtigeedi la gaadhin, oo aanu sii qadimanay inaanay jirin”.

Dhowaan unbey aheyd markii uu Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu sheegay inaanay jirin wax kiro ah oo ay Xukuumada Muuse Biixi ka qaadaneyso sanadkan shirkada DP WORLD, isagoo sheegay inay hore usii qadimatay xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo, taasi oo ku kireysan sanadkii 5-Milyan oo dollar.

“Kirada aynu ka qaadano dekeda berbera sanad walba waa 5-Milyan, dekeda DP WORLD maynaan siin, waanu ka kireynay oo sanad walba 5-ta Milyan beynu ka qadana, sanadkan kuma jirto kiradu oo hore ayaa u qaadanay”.

Dhinaca kale, Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inaanu been ku aqoon Wasiir Sacad Cali Shire, oo uu hadalkiisas uu ka waday wasaaradii maaliyada inaanay lacag usoo xaroon.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this