Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo xirtay xaafad ku taala degmada Wardhiiglay ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Ilaalada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xirtay waddo muhiim ah oo ku taala degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir.

Axmed Madoobe ayaa dagay guri ku yaala meel u dhaw xarunta Kumaanda Buluusiya ee ka soo horjeeda dhismaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana halkaasi xirtay Ciidamada ilaaliya Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Wadada hormarta Wasaaradda Warfaafinta ayaa Ciidamada Axmed Madoobe waxay ka joojiyeen Gaadiidka Shaqaalaha Dowladda, iyagoo u sheegay in aysan aqoonsaneen kaararka Shaqaalaha Dowladda.

Qof kamid ah Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ee Wasaaradaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada ay ka joojiyeen gaarigiisa in uu maro waddo halkaasi ku taalo una Wasaaradda Warfaafinta waxayna ku wargeliyeen in aysan aqoon-saneen kararka shaqaalaha Dowladda.

“Waxay ii sheegayn in aan mari karin waddada, waana iga diidayn aqoonsigayga markii aan la wadaagay, waxay igu wargeliyeen in aqoonsiyada dowladda Al-shabaab-ba ay heestaan” ayuu Caasimada Online u sheegay in Saraakaal katirsan Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho waxaana la sheegayaa in uu wali sii joogi doono Muqdisho waxaana u dhiman kulamo kale oo daba jooga shirkii ku qabsoomay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this