Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xeeladdii uu Kheyre u adeegsaday inuu fashiliyo kulankii BF ee maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulankii koowaad ee Kalfadhiga 5-aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii loogu tala galay inuu ku furmo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay inuu kulanka baaqday, isla markaana uu kooramka buuxsami waayay.

Xildhibaano ku filnaa in kulanka qabsoomo waa ay joogeen Muqdisho, hase yeeshee kaliya, ku dhowaad 116 Xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka. Waxaana ka maqnaa xildhibaanada wasiirada ah ee ku jira Xukuumadda Kheyre, oo Muqdisho ku sugan, waana sababta baaqashada kulanka.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen qaar ka tirsan XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lahaa qorshihii iyo xeeladdii maanta lagu joojiyey kulankii baarlamaanka.

Sida aan xogta ku helnay, Ra’isul wasaaraha ayaa xubnaha Xildhibaanada iyo wasiirada isku ah ku amray inaysan tagin kulanka maadaama ay Xukuumadda ka cabsaneyso inuu Baarlamaanka kusoo badiyo cadaadiska kaga imaanaya fashilka dhanka Amniga ah.

Xildhibaanada Wasiirada ah ayaa qaatay amarka Ra’isul wasaaraha, waxaana sidaas ku hirgalay qorshihii Ra’isul wasaare Kheyre.

Sidoo kale, madaxda ugu sareeyo dalka ayaa ka shaqeeyey in ajandaha Kulanka baarlamaanka laga dhigo dood ku saabsan dastuurka, halkii la filayey inuu noqdo mid looga hadlo amniga Muqdisho, taasi oo xildhibaano badan ka carreysiisay.

Saaka Waabarigii Dowladda ayaa ka war heshay in Xildhibanada mucaaradka ay qorsheenayaan inay kulanka u badalaan mid looga hadlayo Amniga iyo in lagu soo bandhigo boorar lagu soo qoray hal ku dhigyo ka turjumayo inuusan Golaha Shacabka ka aamusi karin arrinta Amniga, waana sababta keentay xeeladda ah inay Xildhibaanada Wasiirada gambiyaan si uu kulanka u baaqdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this