Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiyihii AlShabaab ee Sh/Hoose oo isa soo dhiibay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab iyo ilaaladiisa gaarka ahaa ayaa isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoober ee ka howl-gasha gobolka Shabeellada hoose, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

Xubnahaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Maxamed Bitow, oo ahaa hogaamiyihii Alshabaab ee Gobolka Shabeellada Hoose iyo Aadan Geeddi oo la sheegay in loo yaqaanno Aadan Dheere oo ahaa darawalka Ibrahim.

Sidda laga soo xigtay wakaalada wararka Qaranka, Ibrahim iyo Aadan ayaa ku sababeeyaykasoo bixitaankooda xarakadda Al-Shabaab markii uu isbedalay fekerkii uu kooxda ka haystay markii uu ku biirayay.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab.

IMG-20190330-WA0015.jpg

IMG-20190330-WA0017.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this