Deeq A. Posted March 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in howlgalo culus oo lagu sugayo amaanka ay ka bilaaban doonan Muqdisho. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow], duqa caasimada, ayaa shaaciyay in howlagalaasi ay saameyn doonan guud ahaan magaaladda. Wadooyinka oo uu carabka ku adkeeyay in ay sii xirnaan doonan ayuu shaaciyay in dadka nugul uu maamulka u diyaariyay gaadiid. Shacabka ayuu cod dheer uga dalbaday in ay muujiyaan dulqaad inta uu socdo howlgalkaasi oo xusay in uu yahay mid qorsheysan. Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka dalbaday dadwaynaha in ay ku garab siiyaan laamaha amaanka xasilinta caasimada wadanka. Hadalka gudoomiye Eng Yariisow ayaa kusoo aadaya xili maalmihii u dambeeyay ay falal lidi ku ah nabad-gelyadda ay ka dhacayeen magaala madaxda dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites