Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxii Shabaab ee Sh/Hoose oo isu soo dhiibay ciidanka dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo darawalkiisii ayaa isu soo dhiibay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoober ee ka howl gasha gobolka Shabeellada hoose.

Ibraahim Maxamed Bitow, oo ahaa horjoogihii maleeshiyada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka soo tago Al-Shabaab, ka dib markii sida uu sheegay uu garowsaday inay gaar marsan yihiin Xaqa iyo Islaamnimada ayna xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed.

Bitow ayaa sheegay in dagaallo badan oo ay isaga hor yimaadeen Ciidanka xoogga dalka, ay kooxdu kala kulantay jab aad u xooggan, taas oo keentay in ay u adkeysan waayaan dagaalka oo ay kaymaha ku dhuumaaleystaan.

“Waxaan hoggaaminayay maleeshiyaad tiraradoodku ka badan tahay 100, oo dagaallo badan la galay ciidanka Dowladda, waxaana naloo geystay jab aad u xooggan” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Bittow, horjoogihii maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Shabellada Hoose.

Bitow oo sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab 9-kii sano ee la soo dhaafay ayaa tilmaamay in kooxdu sii liiceyso, ayna la kulmeyso guul darrooyin is daba joog ah.

Horjoogahan ka soo goostay Al-Shabaab, ayaa dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan, waxa uuna ugu baaqay dhallinyarada u dagaallanta kooxda Shabaab in ay ka soo tagaan maleeshiyadan oo uu sheegay in ay baal marsan tahay Islaamnimada.

Bitow ayaa cafis weydiistay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna codsaday in lagu garab siiyo sidii uu qeyb uga noqon lahaa la dagaallanka Alshabaab oo uu tilmaamay in ay yihiin cadow naxariis daran.

“Waxaan dowladda ka codsanayaa in ay ii kaashato la dagaallanka A-Shabaab, oo aan si fiican u isu naqaan, si dhibkooda ummadda looga dulqaado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ibraahim Maxamed oo ahaa horjoogihii maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhinaca kale Aadan Geeddi oo loo yaqaanno Aadan Dheere oo ahaa darawalka  Ibraahim Bitow, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay duufsadeen isagoo 11 jir ah, ayna ka faa’iideysteen carruurnimadiisa.

Aadan ayaa sheegay in hadda oo garaadkiisu ku filnaaday ay u cuntami weysay in uu ka sii mid ahaado kooxdan oo uu sheegay in ay dhib badan ku hayso shacabka, ayna diinta ka saareyso ciddii aan iyada la dhacsaneyn.

Ibraaahim Maxamed iyo  Aadan Dheere, ayaa tilmaamay in ay jiraan boqollaal maleeshiyada Al-Shabaab ah oo ay ka go’an tahay in ay isaga soo tagaan kooxdan argagixisada, waxa ayna dowladda ugu baaqeen in ay dhallinyaradaas ku caawiso sidii ay isu soo dhiibi lahaayeen.

5c369da1-8331-4556-9087-d700122811a6.jpg 7e546c6d-2d00-4a71-87cb-3ddebec061fb.jpg 9b26521f-f1b2-48c0-bf5f-ec99acb0f435.jpg 548a4713-7ca0-48e0-a969-406898e3bbee.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this