Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ku dhowaaqday howlgal culus iyo Muqdisho oo galaysa xaalad amni oo adag + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa goor dhow ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan howlgallo ballaaran, waxaana uu sheegay in magaalada oo dhan la kala xiri doono.

Yariisow oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa xusay in ciidanka Booliska ay bilaabi doonaan howlgallo guri guri ah oo lagu xaqiijinaayo ammaanka. Waxa uu sheegay in la xiri doono dhammaan waddooyinka, islamarkaana guri guri loo gali doono magaalada. Xitaa waddooyin hadda furan ayuu sheegay in la xiri doono.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka liita sida waayeelka iyo naafada ay dowladda ku qaadi doonto baabuur ay iyada diyaarisay oo magaalada ka dhex-shaqeyn doono, dadka xoogga lehna ay lugayn doonaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya inta uu socdo howlgalka, wuxuuna sidoo kale warbaahinta ka dalbaday inaysan buun-buuni falalka amni-darrada.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka shacabka inta ay socdaan howlgallada in ay muujiyaan dulqaad, maadaama uu sheegay in magaalada ay ka jiraan dhibaatooyin waa weyn.

Go’aankan ayaa yimid ayada oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay kulan habeen hore ay ku yeesheen Villa Somalia mabda’ ahaan isku raacay in xaalad deg deg ah oo lagu soo rogo Muqdisho, oo howl-gallo culus laga billaabo, maadaama amniga uu farah ka baxay, sida shaacisay Caasimada Online, oo ahayd warbaahinta kaliya ee xogtan sida gaarka ah u heshay. Halkan aqri xogtii aan qornay.

Hoos ka daawo Yariisow oo ka hadlaya arrintan



Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this