Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo Bixinta baasaboorka ka bilowday Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Paris (SMN) – Agaasime ku xigeenka Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Cabdifitaax Shaawey iyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Paris Axmed Maxamed Xaaji Cali ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeegga bixinta Baasaboorka oo laga hirgaliyay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Faransiiska.

G/Sare Shaawey oo ku sugan magaalada Paris ee casimadda dalkaasi ayaa safaro shaqo ku mari doona qaar kamid ah dalalka Yurub, isaga oo xarumo cusub oo laga bixiyo Baasaboorka ka dhaqan-galin-doona dalal kale oo ka tirsan Qaaraddaasi.

Ujeedada socdaalka wafdiga uu hoggaaminayo Agaasime ku xigeenka Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ah baahinta adeegyada Baasaboor-bixinta si looga jawaab-celiyo baahiyaha ay qabaan  Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka yurub

Muddooyinkii la soo dhaafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waday qorshayaal lagu hormarinayo, lagun casriyeynayo Baasaboorka Soomaaliga ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this