Deeq A. Posted March 30, 2019 New York (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku xigeenka howl alka UNSOM ee Soomaaliya u magacaabay George Conway oo u dhashay dalka Canada. Mr Conway ayaa sidoo kale noqonaya xiriiriyaha arrimaha gargaarka bani’aadinimo ee Soomaaliya, kaas oo bedalaya Peter De Clecq oo dhawaan shaqada ka tagay. Mas’uulka cusub ee loo magacaabay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa horay ugu tirsanaa barnaamijka horumarinta mashaariicda Qaramada Midoobay ee UNDP. Antonia guterres ayaa ma’uulka u u magacaabay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya u sheegay in ay hortaalo shaqo adag, loona baahan yahay in uu sameeyo dadaalo dheeraad ah. Magacaabiista Mr Conway ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan golaha ammaanka uu muddo kordhin hal sano ah u sameeyay xafiiska siyaasada UNSOM. View the full article Share this post Link to post Share on other sites