Deeq A. Posted March 30, 2019 Jowhar (SMN) – Kulankan oo ay wada qaateen madaxweynaha HirShabelle iyo golaha wasiirada maamulkaasi ayaa waxaa looga hadlay qorshaha guud ee xasilinta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Intii uu socday kulankani oo ka dhacay magaalada Jowhar ayaa la’isla gartay in wax laga qabto arrimaha amniga, dhaqaalaha oiyo tayeynta Ciidamada. Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo madasha ka jeediyay hadal dhinacyo badan taabanaya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin haatan ka jira deegaanada maamulkiisa. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan dib loo furayo waddooyinka qaar ee ay go’doomiyeen Al Shabaab, waxaana uu shacabka labada gobol ugu baaqay in ay ku gacan siiyaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli weli Al Shabaab ay ku xoogan yihiin deegaano ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites