Sign in to follow this  
Deeq A.

Spain oo la wareegtay la dagaalanka burcadbadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Northwood (SMN) – Spain ayaa dalka Ingiriiska kala wareegtay hoggaanka la dagaalanka burcadbadeeda Midowga Yurub ee Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan labada dhinac.

Qorshaha la wareegista ee Spain ayaa yimid, kadib markii Ingiriiska uu bilaabay qorshaha uu kaga baxayo xubinimada Ururka Midowga Yurub

Admiral Antonio Mortorell oo u dhashay Spain ayaa taliyaha howlgalka Atlanta kala wareegay General Charlie stricland, kadib munaasabad ka dhacday koofurta Spain.

Taliyaha cusub ee lagu wareejiyay howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono qorshaha looga hortagayo kooxdaasi.

Barnaamijka la dagaalanka burcadbadeeda ee Midowga Yurub ayaa la sameeyay sanadkii 2008 , xilligaas oo ay korortay tirada Maraakiibta lagu afduubo xeebaha Soomaaliya.

Golaha Midowga Yurub ayaa horay u shaaciyey in xarunta la dagaalanka burcadbadeeda oo ku taala Ingiriiska loo wareejinayo magaalada Northwood ee dalka Spain.

Howlgalka Atlanta ayaa waxaa dhawaan loo sameeyay mudo kordhin hal sano ah oo ku eg 2020-ka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Ururka Midowga Yurub.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this