Deeq A. Posted March 30, 2019 Hargeysa (SMN) – Kadib wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilalkii looga qaaday wasiiro, agaasimeyaal iyo wakiilo ka tirsanaa maamulkaasi. Wareegtadan ayaa lagu shaaciyay in xilalkii looga qaaday Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo) oo ahaa wasiirkii Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Maxamed Muuse Abees oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Warfaafinta Somaliland. Qaar ka mid ah xubanahani ayaa horay loogu eedeeyay in ay ku kaceen falal la xariira Musuq-maasuq. Dhanka kale isla wareegtadani ayaa lagu macaabay wasiiro cusub, kuwaas oo kala ah: Cabdiqani Maxamuud Caateeye wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Muuse Diiriye Wacays wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax wasiirka wasaaradda cadaaladda, LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka. Sidoo kale wareegtada ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi ayaa waxaa xilalkii looga qaaday agaasimeyaasha wasaaradaha Gaashaandhigga, dhallinyarada, xiriirka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, iyadoona kuwa cusub loo magacaabay wasaaradahaasi. Malamihii la soo dhaafay Somaliland waxaa ka socday isbedal dhinaca maamulka ah oo uu wadan madaxweyne haatan talada haya ee Muuse Biixi Cabdi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites