Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbaddel lagu sameeyay Taliska Milatariga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Isbedel ayaa lagu sameeyey qaab dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka, taasi oo loogu talo galay dar dar-gelinta howlaha Ciidanka Xoogga. waxaana Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka  General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.

Isbedalkan lagu sameeyey qeybo kamid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali  loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this