Deeq A. Posted March 30, 2019 Labada suxufi ee la jirdilay Cagmadhige iyo Dooxo Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo socdaal ku maraya gobollada Bari iyo Karkaar, ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada, xubno ka tirsan golayaasha dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa madaxweynaha ku soo dhoweeyay magaalada Boosaaso, halkaasoo uu hadal kooban uga jeediyay dadkii soo dhoweeyyay, isagoo u mahadceliyay. Dhinaca kale, askar ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la socday madaxweyne Deni, ayaa jirdil u geystay qaar kamid ah suxufiyiinta gobolka Bari oo halkaasi u tegay, in ay soo duuban warka imaanshaha madaxweynaha. Laba suxufi oo lagu kala magacaabo; Maxamuud Jamaal Maxamed (Dooxo) iyo Maxamed Axmed Salaad (Cagmadhige), ayaa jirdil iyo dharbaaxooyin daran kala kulmay,askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo ku sugnaa fagaaraha soo dhoweynta. Suxufiyiintan oo warbaahinta Puntland Post la hadlay, ayaa sheegay in ay nabarro ka qabaan saableeyda iyo xabadka oo lagala dhacay qori-dabadiis iyo jilib, islamarkaana indhaha lagu caseeyay dharbaaxooyin kulul. Halkaan ka daawo muuqaalka jirdilka PUNTLAND POST P The post Ilaalada Siciid Deni oo jir dilay suxufiyiin appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites