Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay 14 mas’uul cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Biixi-Cabdi.jpg?w=1000&ssl=1Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay ilaa 14 mas’uul oo isugu jira wasiirro, wasiirro-ku xigeenno, agaasimayaal, guddoomiyaal iyo wakiilo Somaliland u fadhiisanaya dalalka debadda.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi, ayaa wasiirro cusub loogu magacaabay wasaaradaha, Warfaafinta, Gaashandhiga iyo Caddaaladda, waxaa sidoo kale wasiirro- ku xigeenno cusub loo magacaabay, caafimaadka, Warfaafinta iyo Arrimaha dibadda.

Mudane  Biixi ayaa sidoo kale agaasimayaal guud u magacaabay wasaaradaha, Dastuurka, Biyaha, Warfaafinta iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, halka uu guddoomiye cusub u magacaabay hay’adda Shaqaalaha dowladda.

Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer iyo  laba wakiil oo Somaliland u kala fadhiisan doona dalalka Ken iyo Imaaraadka Carabta.

Shaxdan hoose ka eeg

MAGACAABIS.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay 14 mas’uul cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this