Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada jawaab kulul ka bixiyey weerarkii lagu qaaday Universal TV

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdinuur Maxamed Axmed,Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa hadal kulul kasoo saaray Weerarkii ay Maanta qaar ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku qaadeen Xarunta Talefishinka Universal ee Magaalada Muqdisho.

Agaarimaha ayaa sheegay ugu horreyn inuu cambaareynayo falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka.

Agaasimaha ayaa xusay inay baaritaanka arrintaan gacanta kula jiraan Taliska Booliska Soomaaliyeed isla markaasna cadaaladda la hor keeni doono.

Wuxuu xusay inaan marnaba loo dulqaadan karin  in ciidankii ay shaqadooda ahayd in ay ilaaliyaan sarreynta sharciga ay isla iyagii qaar kamid ah ku tuntaan sharciga dalka u yaalla.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka kasoo baxay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

Waxaan aad u cambaareynayaa falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal oo ahaa mid fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka.

Marnaba loo dulqaadan maayo in ciidankii ay shaqadooda ahayd in ay ilaaliyaan sarreynta sharciga ay isla iyagii qaar kamid ah ku tuntaan sharciga dalka u yaalla.

Waxaa haatan kiiska gacanta ku haya Taliska Booliiska, annaga oo ku kalsoon in caddaalada la horkeeno ciidankii ka tirsanaa ilaalada canshuurta ee saaka dhibaatada geystay.

Waxaan maamulka iyo shaqaalaha telefishinka u xaqiijinayaa in ay caddaaladda wajihi doonaan kuwa ku eedeysan falkii saaka, waxaana ku bogaadinayaa adkeysiga ay muujiyeen iyo in aysan hawshii uu telefishinka u hayay bulshada ay halkeeda kasii socoto.

agaasimaha.jpg
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this