Deeq A. Posted March 30, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu Isbadal ku sameeyay Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya, waxaana xilkii laga qaaday Abaan-duulihii Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage waxaana loo magacaabay xil kale. Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa noo xaqiijiyay Odawaa Yuusuf Raage laga qaaday xilka abaan-duulaha Ciidamada Xoogga dalka, waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Lugta ee Milateriga Soomaaliya. Sidoo kale xilal kale ayaa la sheegay in lagu soo kordhiyay Taliska Milateriga Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen xubno Sar Sare oo ka tirsan Villa Somalia. Wararka ayaa intaa ku daraya in xilkii Abaanduulka loo bedelay qaab dhismeed maamul oo Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ka mid ahaa Saraakiishii hore, isla markaana dowladdii C/llaahi Yuusuf ka soo noqday xilka Taliye kuxigeenka Ciidamada. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waqtiyadii dambe ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga. Ujeedada Isbadalka ayaa lagu sheegay in dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo dalka looga saari doono muddo kooban waxaana maalmahaan dhan socday diyaar garowga Dowladda Soomaaliya. General Odowaa Yuusuf Raage ayaa la sheegay in gacanta loo geliyay hogaanka dagaalka Al-Shabaab looga saarayo goobaha ay dalka ka joogaan, sida ay noo xaqiijiyeen xubnihii aan la hadalnay. Saraakiishaan katirsan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in saacadaha soo socda la shaacin doono xilalka iyo isbadalka lagu sameeyay Taliska Ciidaamda Milateriga Soomaaliya. Wararka madaxda banaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in la baabi’iyay Jagada Abaan-duulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya laguna badalay Taliyaha Ciidamada Lugta ee Difaaca Soomaaliya, sidoo kale waxaa la shaacin doonaa xilal kale oo lamagacaabay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites