Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan isbadalka lagu sameeyey hoggaanada ciidamada Xoogga dalka (Akhriso Liiska)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya,waxaa isbedel lagu sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, taasi oo qayb ka ah hanaanka dib u habeynta Ciidanka.

Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka.

Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta.

General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire ayaa loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.

Sidoo kale Admiral  Cabaas Amiin Cali ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda.

Qaab dhismeedkan cusub ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay is bedelka iyo dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka oo muddooyinkii u dambeeyay ku socday tirakoob iyo qorshayaal kale.

Is bedelkan cusub ee lagu sameeyay hoggaanka Ciidamada ayaa la ogeyn waxa uu soo kordhin doono, iyadoo qeybo ka mid ah Ciidamada ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo in aanan la siinan saanad iyo agabkii ay u baahnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this