Sign in to follow this  
Deeq A.

Injineer Diini Barre oo maanta la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee Injineer Diini Barre oo caan ka ahaa ku degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa lagu dilay gudaha degmadaasi, waxaana dilkiisa fuliyey dhalinyaro bastoolado ku hubeysan.

Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay Xaafadda 21-ka Octoobar, waxa uuna ku sugnaa maqaayad markii uu dilkiisa dhacay sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa Injineer dhisa Guryaha, waxa uu sidoo kale Afgooye ka ahaa oday dhaqameed ka qayb qaata xalinta dagaalada iyo isku dhacyada sida ay noo sheegayn dadka degaanka.

Dilkiisa ayaa naxdin ku noqday Shacabka Afgooye, waxaana lagu eedeeyay Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilka. Shacabka Afgooye ayaa sheegay in amni darro xoog leh ay ka jirto degmada Afgooye oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay dilal ka dhacayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this