Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Lagu Qaaday Masaajid Ku Yaalla Badhtamaha Magaalada London.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Booliiska magaalada ayaa baacsanaya nin la sheegay in uu mid kale ku tooriyayeeya masaajid ku yaalla badhtamaha magaalada London.

106213109_capture.jpg

Ninka la tooriyeeyay, markii dambana u dhintay ayaa la sheegay in uu yahay 20 jir, waxana uu falka ka dhacay masaajidka Reben Park ee badhtamaha London.

Nin lagu magacaabo Bahir Mowlana ayaa sheegay in uu arkayay booliiska oo xidhay laba qof oo masaajidka ku sugnaa

Balse booliiska ayaa sheegay in ayna jirin cid loo xidhay falka dhacay, waxayna intaas ku dareen in weerarka dhacay uusan ahayn mid la xidhiidha arrimo argagixiso.

Weerarkan dhacay ayaa imanaya xilli dadka dhegahooda uu kasii guuxayo weerarkii 50 ka qof lagu laayay ee ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Masaajiddo ku yaala Ingiriiska, iyo Maraykanka ayaa loo sameeyay illaalo hubeysan, gaar ahaan maalmaha jimcaha si aysan u dhicin wixii ka dhacay Christchurch.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this