Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Cirka Ee Suuriya Oo Iska Difaacay Weerar Kaga Yimid Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Suuriya)-Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inay iska caabiyeen weerar ay Diyaaradaha Dagaalka ee Israel ku soo qaadeen bar-tilmaameedyo ku yaalla Deegaanka wershadaha leh ee Sheikh Najar ee Gobalka Aleppo ee W/bari ee dalkaasi.

merlin_137929407_10e8b419-ff12-4ade-a193

Ciiddanka Difaaca Cirkla Syria waxay burburiyeen tiro Gantaallo ah oo ay Diyaaradaha Israel soo tuureen, iyadoo dhanka kale la sheegay inay duqeymahaasi geysteen burbur oo keliya.

Dhinaca kale, Hay’adda La-socoda Arrimaha Syria ayaa sheegtay inay qaraxyo ka dhaceen Bakhaaro Hubka oo ay lahaayeen Ciiddanka dowladda Syria iyo Isbahaysigooda Iiraan oo ku yaalla inta u dhexeysa Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aleppo iyo Deegaanka Sheikh Najar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this