Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Germany Oo Lix Bilood Ku Dartay Xayiraadii Ay Saartay Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berlin)-Xukuumada Germany ayaa dib u cusboneysiisay xayiraadii ay saartay shirkadaha hubka soo saara inay hubkooda ka gadi karaan Boqortooyada Sacuudiga, xayiraadan ayey Germany soo saartay kadib dilkii Suxufi Jamal Khashoggi.

merkel-salman-740x416.jpg

Xayiraadan la saaray Sacuudiga sanadkii tagay oo lagu waday inay dhamaato bishan ayaa lagu daray lix bilood oo horleh.

Shir ay yeesheen Angela Merkel iyo Golaheeda Wasiirada ayaa laga soo saaray in xayiraadan ay sii socoto lix bilood, xili dowlada Germany uu cadaadis xoogleh uga imaanayo dalalka UK iyo France oo iyagu doonayey in la qaado xayiraadan la saaray hubka laga gadi lahaa Dalka Sacuudiga.

Xayiraadan ayaa saameyn ku yeelatay hubka lagu sameeyo wadamada kale ee EU-da balse lagu rakibo computerada iyo qalabka kale ee lagu sameeyo dalka Germany.

Shirkada BAE Systems ee laga leeyahay UK ayaa horey heshiis ulla gashay dowlada Sacuudiga in laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee Typhoon oo gaaraya 48, heshiiskaasi oo ku baxay in ka badan $13 Bilyan oo dollar ayey saameysay xayiraadan maadaama diyaaradahan qeyb kamid ah lagu sameeyo dalka Germany.

Dalka France ayaa sidoo kale ugu baaqay Germany inay qaado xayiraadan saameysay hubkii ay ka iibin jireen Sacuudiga.

Xukuumada Germany ayaa sidoo kale sheegtay inay xal u heli doonto shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ay saameysay xayiraadan sida shirkada soo saarta Maraakiibta ee wadankaasi Jarmalka oo iyagana laga diiday inay ku wareejiyaan Sacuudiga Maraakiibta dagaalka oo lagu sameeyey wadanka Germany.

Dowlada Germany ayaa docda kale sheegtay in hubka dalkooda lagu sameeyo aan loo adeegsan karin dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this