Sign in to follow this  
Deeq A.

Telefishanka Universal Oo La Weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar rag ku labisan dirayska ciidammada booliska Soomaaliya ay ku qaadeen xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

universal-tv.jpg

Weerarkan oo saacado kooban socday, ayaan la ogeyn waxa ka dambeeyay balse ciidammada ayaa la sheegay inay iska dhigeen waaxda canshuuraha ee dowladda Hoose, iyaga oo doonayay inay gudaha galaan TV-ga.

Kadib ciidamada ilaalada TV-ga ayaa la sheegay inay isku dhaceen, waxaana daqiiqado kooban dhex-martay israsaaseyn xooggan.

Shaqaalaha TV-ga ayaa sheegay in hal ruux laga dhaawacay kooxda weerarka qaaday, waxaana la qabtay dhammaan dadka weerarka qaaday oo la sheegay inay lix qof ka koobnaayeen.

Ciidammada ilaalada madaxtooyadda oo u dhow xarunta TV-ga Universal ayaa la sheegay inay gurmad sameeyeen, taasi oo sahashay in la qabto dhammaan dadka weerarka soo qaaday oo aan la xaqiijin halka ay ka tirsan yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this