Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Golaha Shacabka Oo Baaqdey

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa  baaqdey kulankii maanta ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu kooramka buuxsami waayey. 116 xildhibaan ayaa timid, taasi oo ka dhageysa in tirada ay ka yar tahay midkii kooramka oo ahaa 139.

Xildhibaannada golaha shacabka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay maqan yihiin xildhibaannada wasiirrada ahaa, kuwaas oo yimaada marka uu kulan xasaasi ah jiro.

Dhinaca kale, xildhibaanno ka mid aha golaha ayaa dibad-bax ka dhex dhigay halkaas, iyaga oo kor u qaaday boorar ay ku qornaayeen” Golaha shacabka, waa wakiilladii iyo codkii shacabka la xasuusayo, ma aha gole sacab”.

Goobjoog News

fiq1.jpg fiq2.jpg fiq3.jpg fiq4.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this