Deeq A. Posted March 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa la soo dhoobay isgoysyada qaar, iyagoona dib u celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kan gaarka loo leeyahay intaba. Ujeedada loo xiran waddooyinkan lama shaacin, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la xariirto arrintan kulan maanta ay leeyihiin xildhibaanada Golaha Shacabka. Kulankan oo ahaa kii koowaad ee Kalfadhiga shanaad BFS ayey Xildhibaanadu uga hadli doonaan qodobo dhowr ah, maadaama ay dib uga soo laabteen fasaxii ay ku jireen. 27-kii bishan ayey ahey markii madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu daah-furay Kalfadhiga, kadib munaasabad ka dhacday M/Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites