Deeq A. Posted March 30, 2019 Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal cusub oo xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooyle ee gobolka Sh/ Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen saldhigyo Ciidamada dowladda ay kuy leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Kabtan Laas iyo Gaawirow ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, mana jiro jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites