Deeq A. Posted March 30, 2019 Carmo (SMN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Puntland oo xalay gaaray magaalada Carmo ee gobolka Bari ayaa baaq u diray shacabka maamulkaasi. Madaxweyne Deni oo dadweyne fara badan kula hadlay Carmo ayaa ka dalbaday inay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago weerarada Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in sare loo qaado wada shaqeynta ka dhaxeysa shacabka iyo hay’adaha amniga. Wafdi uu hoggaaminayo Saciid C/laahi Deni madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa haatan socdaal ku maraya gobolka Bari ee maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites