Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo qorsheysan oo laga sameeyay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa saacidihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalka oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxaa la sheegay in uu jeedkiisu uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga waddadaasi.

Inta uu socday baaritaankan ayaa waxa ay Ciidamadu ku guuleysteen in ay saaraan Miinooyin lagu aasay halkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku garab siinayaan howlagllada gobolkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan K/ Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this