Deeq A. Posted March 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Kulan xildhibaanada Golaha Shacabka ay maanta ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa baaqday, kadib markii uu buuxsami waayay kooramka loogu talagalay in uu ku furmo fadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee Kalfadhiga shanaad ayaa la filayay in warbixin looga dhageysto guddiga Golaha Shacabka ee hirgalinta iyo qabyo tirka Dastuurka, kaas oo xilliyadii dambe waday hawl baaxad leh oo lagu dhamaystirayo Dastuurka. Madaxweynaha JFS ayaa 27-kii bishan daah-furay Kalfadhigan, kadib munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka Ciidanka Booliska General Kaahiye ee M/Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites