Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeelanaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasi uu dhowaaan uu daahfuray madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhageysanaya Guddiga dib u eegista dastuurka dalka oo baryihii ugu dambeeysay arimo la xariiro dib u eegista dastuurka waday.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo ansixinta hindise sharciyeed badan oo loo soo gudbiyay.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray isgooysyada muhiimka ah ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeelanaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this