Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay xildhibaanada kaga hadlayaan kulankooda Koowaad ee Golaha shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhiga Shanaad ee golaha Shacabka, iyadoo ay horyaalaan shaqooyin badan.

Kulanka maanta ee xildhibaanada ayaa sida qaar kamid ah xildhibaanada ay xaqiijiyeen wuxuu ku saabsan yahay dhageysiga warbixin ay soo gudbinayaan guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka.

Xubnaha Guddiga ka tirsan ayaa shaaciyay inay xildhibaanada golaha shacabka la wadaagi doonaan waxyaabaha ay qabteen muddooyinkii u dambeeyay halka uu marayo qorshaha dib u eegista Dastuurka.

Xildhibaanada waxaa horyaala shaqooyin badan iyo ka doodista ajandayaal ay kamid yihiin dardar gelinta Shuruucda doorashooyinka, sharciyada axsaabta iyo arimo kale, sida uu dhawaan sheegay guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaano badan oo kamid ah baarlamaanka ayaa horey u dalbaday dib u furida kalfadhiyada baarlamaanka, iyaga oo sheegay in kalfadhigaan uu noqon doono mid lagula xisaabtamo madaxda dowladda.

Xaaladda amaan ee dalka oo aad usii xumaatay maalmihii ugu dambeeyay ayaa laga war dhowrayaa xildhibaanada inay kula xisaabtami doonaan hay’adaha ay quseyso.

Waxaa qaarkood ay baraha Bulshada kaga hadlaan amaanka iyo dhaliilaha ay leeyihiin laamaha amniga, iyada oo laga sugayo xildhibaanada inay la xisaabtamaan dadka ka masuulka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this