Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo dacwad ka dhan ah casuumadii Imaaraadka ee Muse Biixi u gudbisay QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka QM u qortay ashtako ka dhan safarkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhowaan ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu qoray wargeyska East Africa Business Week.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay si gaar ah uga carrootay in Imaaraadka Carabta ay Muuse Biixi ku qaabileen calanka Somaliland iyo ayada oo heesta astaanka qaranka Somaliland loo tumay.

Sida wargeyska qoray, dowladda Soomaaliya ayaa warqaddeeda ku sheegtay in la macaamilka Imaaraadka Carabta eee Somaliland uu xadgudub ku yahay madax bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Wakiilka Somaliland ee Kenya, Cumar Baashe oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “Haddii aan nahay Somaliland waan ka xunnahay ashtakada ay dowladda Soomaaliya u gudbisay golaha ammaanka ee QM ee ku aadan safarkii uu madaxweyne Muuse Biixi dhowaan ku tagay Imaaraadka Carabta”

“Waxaan doonayaa inaan ku celiyo in Somaliland ay tahay dal madax banaan oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay iyo dowlad si dimoqraadi ah loo doortay. Somaliland waa ay u madax banaan tahay in la macaamisho dalalka kale, umana baahna fasaxa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Cumar Baashe.

“Waxaan sidoo kale sii wadi doonnaa inaan beesha caalamka kala hadalno sidii aan u heli lahayn aqoonsi iyo madax banaani rasmi ah”

Dowladda Soomaaliya oo ay Caasimada Online wax ka weydiisay dacwada la sheegay inay gudbisay Soomaaliya waa ay ka gaabsatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this