Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo sababeysay dil Al Shabaab u geysteen seddex ruux oo ku eedeysnaa jaajuusnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa xog dheeraad ah ka bixisay muwaadiniin u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo Al Shabaab ay ku dileen deegaanka Yaaq Baraawe.

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in seddex ruux oo Kenyan ah oo mid kamid ah Haweeney aheyd lagu dilay deegaanka Yaaq Baraawe, kadib markii Al Shabaab dadkaasi ay ku eedeeyeen inay jaajuus ahaayeen.

Sirdoonka Kenya ayaa shaaciyay in seddexda ruux ee Kenyan-ka ah la dilay arbacadii lasoo dhaafay, waxaana Al Shabaab ay ku eedeeyeen inay jaajuus u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa ay ka soo jeedaa Gobolka Xeebta ee Kenya halka labada qof ee kale ay ka soo jeedaan Wajeer sida ay sheegeen Hay’adaha sirdoonka Kenya ee warkan siiyay warbaahinta.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in dilka saddexda qof ee Kenyaanka ah uu yimid kaddib markii Jimcihii todobaadkii hore duqeyn ka dhacday Bu’aale lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab una dhashay Kenya, taasi oo Kenya ay sheegtay inay sababtay in la toogto dadka Kenyan-ka ah.

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay intaas ku dartay in Ciidanka Kenya ee dhinaca xeebta heegan la geliyay markii Khamiistii ay baxsadeen shan ka mid ah Al-shabaab oo lagu weeraray guri ay ku dhuumanayeen.

Waxaana Sirdoonka Kenya ay shaaciyeen in  Salim Rashid Mohammed, Rashid Mwatsu aka Mody, Juma Waziri, Mkauma Ali Mbuiya iyo Juma Mwengo ay ahaayeen kuwa ka baxsaday ciidanka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this