Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano katirsan baarlamaanka oo Warqado la gelay Golaha shacabka & Jawiga oo isbadalay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa jawi ka duwan midkii la filayay ku bilaabay kulanka maanta ee xildhibaanada baarlamaanka oo ah kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga Shanaad.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaano kale ayaa baarlamaanka la galay warqado ay ku qoran yihiin in golaha shacabka uu yahay codka shacabka Soomaaliyeed.

Islamarkaana golaha shacabka uusan aheyn mid lagu xasuuqayo shacabka Soomaaliyeed sida ku qoran qoraalka.

Xildhibaanada ayaa dalbaday in la badalo ajandaha kulanka maanta oo horey loo sheegay inuu yahay dhageysiga guddiga dib u eegista Dastuurka, waxaana ay doonayeen in loo badalo ajandaha dhanka amaanka.

Xildhibaanada ayaa sheegaya in kulanka maanta ay doonayaan in gabi ahaanba laga dhigo amaanka magaalada Muqdisho, waxaana jirto cabsi ah in kalfadhiga shanaad uu noqdo mid is qabqabsi badan abuura.

La soco waxiii kusoo kordhaa Insha allah

56161781_563397550823938_140496985219137

55798192_344341472866535_362105549239196 56319241_288237918747320_404706978949391

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this