Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Gaane oo si adag uga hadlay xubnihii loo xiray musuqa ee la damiintay

Recommended Posts

Deeq A.   
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada ayaa si adag uga hadlay Masuuliyiin lagu xidhay musuq-maasuq oo damiin uu ku sii daayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
“Sharcigu wuxuu dhigayaa qofka musuq-maasuq lagu soo eeddeeyo in aanu lahayn wax damaanad ah, laakiin hore ayaaba loo sii daayey kuwiii Hanti-dhawruhu ku soo xidhay foojaradii liisamada lafta ah, oo waliba lagu helayo musuqa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaana Saldhigyada ka sii daayey, oo damanaad ahaan Maxkamadaha kaga sii daayey, mar haddii dad iyagoo dambigii lagu caddeeyey oo Hanti-dhawruhu soo xidhay la sii daayey, oo damanaad aanu sharcigu ogolayn lagu sii daayey, eeddaha musuq-maasuq ee labada Wasiir lagu soo oogay haddii ay dhab noqoto, haddii xitta la xidho waa la iska sii daynayaa, mar haddii ilaa hadda cid loo xidhay musuq-maasuq, oo xukun musuq-maasuq lagu qaaday aanay jirin, oo kuwii loo xidhay ee lagu caddeeyey la sii daayey”
Dhinaca kale, Xildhibaan Siciid Gaane ayaa Xukuumadda Biixi ku eedayey inay ka musuq badantahay xukuumadahii hore ee Somaliland, waxaanu ka dhawaajiyey in musuq-maasuqu Xukuumada biixi uu ka noqday wax caadiya.
“Musuq-maasuqu wuxuu noqday wax iska caadiya oo Xukuumaddu aanay dambi culusba u arag, walina lama arag Xukuumad ka tirsan Caalamka oo Musuq-maasuqa dalkeeda loo xalaalayey, haddii musuq-maasuqa la xalaaleeyo waa boobku ha socdo, sharciguna yaanu socon, laakiin cid kasta oo hantida umadda musuq-maasuqada wasiir ha noqdo ama masuul kale ha noqdee waxay ahayd in si adag loola dhaqmo, oo sharcigu wuxuu dhigayo in lagu qaado, si cid kastaaba ay uga feejignaado musuqa, laakiin haddii talaabo laga qaadi waayo, cid kastaaba wey ku dhiiranaysaa musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadda”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this