Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Shabaabka ku dhex jira DF ayaa diidan in shacabka ay soo gudbiyaan xog’

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadku hadday is dhahaan sheega cid dembi ama qarax faraha kula jirta, ma sheegi karaan!. Sababtoo ah, askariga nabad sugida ah ama kan bilayska caadiga ah ayaaba markay doonaan Al-Shabaab ah.

Dad badan oo soo sheegay meelo ay qarax ku arkeen ayaa la dilay, isla daqiiqaddihii ay warka geeyeen. Waxaana Al-Shabaab warka u gudbiyey isla askarigii ay warka u sheegeen.

Dowlada waxaa la tuhunsan yahay inay ku dhex jiraan Shabaab badan, Dhamaan qaybaha dowlada, sida Xildhibaannada, askarta iyo taliyaashooda, wasiirada, nabadsugida iyo xataa guud ahaan shaqaala weynnaha dowlada. Marka sideebuu qof shacabi isugu aamini karaa khatarta intaa le’eg?.

Al-Shabaab-nimadu waa mabda qalbiga hurda oo caqiiqado adag ku dhisan, Qofka Al-Shabaabka ahi, isagoo muuquu doono leh ayuu meel walba joogaa, Waxaanna xaqiiqo ah inay danahooda siday rabaan iyo midabkay doonaan ku fushan karaan, Waxaa sidoo kale xaqiiqo labaad ah in qaraxa iyo dilalka argagixisadu ay ku baxdo malaayiin doolar. Afkaarta Alshaabnimada wadaadaddii inoo fatwooday ayaynnu weli casharada iyo maxaadirooyinka miinaysan ka marsannaa.

XALKU WAXA WEEYE: Ilaa uu qofka shacabka ahi helayo damaanad ah in aan magaciisa Al-Shabaab loo gudbinayn, waxba kama qabsoomi karaan horumar laga gaadho amaanka Xamar ama dalka. Dowladu horta waa in ay dhug u lahaato in ay khatarta intaa le’egi jirto. Qofka bilayska loo shaqaallaysiinayo waa in uu noqdo qof la og-yahay in aannu Al-Shabaab ahayn ama afkaartooda aaminsanayn. Taasina wakhti badan bay qaadansa, Tabtaas oo kale waa in la helo ciidamo qaran oo cid walba leh una badan dhulalka aan Al-Shabaabnimadu ugxama dhigan. Dhamaantoodna waa in hal mar la wada beddelo. Sidoo kale, waa in la helo sharcigii ciqaabta askarta iyo kala danbaynta bilayska, hadduu jirona waa in gacan bira lagu fuliyo.

Waxaa kaloo loo baahannahay nabad-sugid qalaad oo lagu kalsooyahay oo dalka ka caawisa xaga nabad-sugidda iyo basaasnimada sida dalka turkiga oo ka le in la kaashado. Isla markaana dad sirdoon ah Soomaalida u taba-bara.

Askarta bilayska waa in ay helaan mushahar ku filan, dallacaad, taba-bar, magdhow iyo xuquuq caafimaad oo dhamaystiran oo eex ka nasahan. Intaa waxa raaca, xeerka ciqaabta argagixida iyo jeelashii lagu xidhxidhi lahaa waa in ay jiraan. Qofka Al-Shabaabka ah ee la qabto, haddii berri la sii daynnayo maxay taraysaa, halkiisii buu ka miisayaaye.

Sidoo kale waa in aan qofku hadduu Al-Shabaab kamid noqday ama xataa uu maalin taageeray waa in aan la aaminin. Wadaaddadii tan iyo koob iyo sagaashankii fatwoonnayey waa in danbiilayaal qaran loo aqoonsaddo, haddii ay ka toobad keeneenna waa in liiska madow (black-list) lagu qoro oon waxba loo dirsan, lagana dhegaysan. Kuwa weli fatwada wadana waa in la qaqabto oo la xidhxidho, waayo, wadaaddadii afkaartan qalaaad dibadda kasoo waariday ayaa weli Culumo inoo ah. Gebagebaddii intaas iyo ino kale oo badan haddii daacad laga noqdo waxbaa hagaagi lahaa, haddii kalese, waa riwaayad iyo biyo col-dhaanshay.

W/Q: Abdirizak Xiddig

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this